Askari katirsan dowladda oo lagu dilay Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Askari katirsan dowladda federaalka maanta lagu dilay inta u dhexeysa magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolkaas.

Askariga la dilay ayaa Gaari shacab kasoo raacay magaalada Maxaas isagoona kusii jeeday magaalada Baladweyne, wuxuuna isku soo dhex qariyay dadka shacabka ah.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka warqabay dhaq-dhaqaaqa Askariga ayaa jidka u galay, waxaana Gaariga ay kala degeen Askariga, iyagoona halkaas ku dilay, kana qaatay Qorigii iyo Booskii uu Askarigu ku hubeysnaa.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku jira xaalad adag, mana awoodaan iney isaga kala gudbaan gobollada dalka gaar ahaan magaalooyinka ay Shisheeyuhu gacanta ku hayaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Askari katirsan dowladda laga degsado gaari shacab ah oo isku soo qariyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.