Ciidamada Al-Shabaab oo kordhiyay Weerarada ay ku qaadayaan Ciidamada Jabuuti.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad usoo badanaya weerarada milliteri ee Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadayaan Fariisimiyaasha ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Hiiraan ayaa habeenkii xalay waxay gudaha u galeen degamada Jalalaqsi, iyagoona halkaas dagaal in muda ah socoday kula galay ciidamada Jabuuti ee garabka u ah  Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ah mid culus, si weynna looga maqlayay inta badan magaalada, waxaana la rumeysanyahay in uu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Jabuuti.

Dhanka kale Ciidamada Mujaahidiinta waxay casar liiqii shalay weerareen degamada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose.

Ciidamada Mujaahidiintu waxay gudaha u galeen degmada, iyagoona la wareegay qaar kamid ah Xaafadaha Afgooye, waxaana khasaaraha soo gaaray ciidamada dowladda lagu sheegay dhimashada 1 Askari iyo dhaawaca mid kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.