Ciidamada Itoobiya oo lagu duqeeyay Garbahaaray iyo dagaal ka dhacay Muqdisho.
Guutooyiinka madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Wilaayada Gedo ayaa caawa waxay duqeyn ku garaaceen saldhig milliteri oo ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa ahayd mid culus, waxaana ay socotay in muda ah, iyadoona ciidamada Itoobiyaanku la maqalyay qeyla dhaantooda.
Madaafiicda lagu tuuray saldhiga Itoobiyaanka ayaa lagu soo warmaayaa iney gudaha u galeen saldhiga, taas oo shaki la’aan ka dhigeysa in khasaaraha gaaray uu yahay mid weyn.
Dhanka kale ciidamo katirsan Milliteriga wilaayada islaamiga ee Banaadir ayaa caawa weerar fool ka fool ah waxay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada BS-ta ee Reer Muqdisho ugu yeeraan Ashahaado la dirirka.
Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow suuqa daawada ee Bakaaraha, waxaana uu socday in muda ah.
Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse ma aynaan helin tirada dhabta ah.