Ciidamada Kenya oo Gaari looga gubay gobolka NFD.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha dhulka ay Kenya gumeysiga ku heysato ee NFD iyo xeebaha ayaa ku guuleystay aroornimadii hore ee saaka burburinta gaari gaashaman oo ay Ciidama Kenyati ah la socodeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Ceel-Raam oo u dhow Ceel-Waaqda Kenya ee Soomaalidu leedahay, waxaana gebi ahaanba burburay Gaariga, iyadoona wixii saarnaa dhimasho ay noqdeen.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo Idaacadda Al-Furqaan la hadlay waxay ku warameen in gebi ahaanba ciidamadii saarnaa gaariga ay dhinteen, iyadoona gaarigu si xun u burburay, taas oo ku tuseysa awoodda ay lahayd miinada dhulka lagu aasay.
Dhawaan ayay ahayd markii guutooyinka jugta culus ee Mujaahidiinta ay duqeeyeen saldhig ciidamad Kenyaatigu ku leeyihiin deegaanka Ceel-Raam, waxaana la rumeysanyahay in khasaare uu ka dhashay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka Muslimiinta ee Kenya ay gumeysiga ku heysato ayaa sii laba laabay howlgallada milliteri ee lagu doonayo in dhulkaas looga xureeyo gumeysiga tobanaanka sano uu ku jiro.