Ciidamo Ameerikaan ah oo lagu dilay dalka Afqaanistaan.

Ciidamada Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa si dar dar leh waxay u wadaan howlgallada loogu magac daray Al-Mansuuriya oo gugan golaha Shuurada Imaarada uu kaga dhawaaqay guud ahaan gobollada kala duwan ee dalka Afqaanistaan.

Guutooyinka madaafiicda ee Imaarada ayaa kamid ah saraayaadka sida wanaagsan howlgallada u wada, waxaana duqeymo joogta ah ay ku garaacaan saldhigyada iyo fariisamayaasha milliteri ee dalka Afqaanistaan ay ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku qaaday dalkaas iyo malleeshiyaadka maxalliga ah.

Weerar loo adeegsaday Sawaariikhda ridada dheer ayaa ciidamo katirsan Mujaahidiinta Imaarada waxay ku garaaceen saldhig milliteri oo  ku yaala gobolka Baktiika, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Maraykanka.

Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxiixnaa Afhayeenka Imaarada Dabiixullaahil Mujaahid oo lagu baahiyay webka Imaarada, kowdii Duhurnimo ee maanta ayaa ciidamo katirsan Mujaahidiinta waxay sawaariikh ku garaaceen saldhiga Banuuza oo ku yaala degmada Jardiiz ee gobolka Baktiika.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay duqeyntaas 4 Askari oo Ameerikaan ah iyo 3 kale oo katirsan xukuumadda Kaabul,

Weerarka kadib diyaaradaha Dronesta dowladda Maraykanka ayaa duqeeyay nawaaxiga saldhiga Banuuza oo ay ku tuhmayeen iney ku suganyihiin Mujaahidiinta duqeynta fulisay, waxaana duqeyntaas Diyaaraddu ay haleeshay malleeshiyaad katirsan xukuumadda Kaabul oo kamiin ugu jiray Mujaahidiinta, iyagoona goobta looga dilay 8 Askari oo uu ku jiro Sarkaal lagu magacaabo Sumuud.

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa sii laba jibaaray weerarada ka dhanka ah ciidamada ku duulay dalka Afqaanistaan, waxaana dalkan uu marti gelinayaa dagaal Jihaad ah sanado xiriir ah.

You might also like
1 Comment
  1. Adam says

    Allaahu akbar.

Leave A Reply

Your email address will not be published.