Ciidamo katirsan dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday malleeshiyaad katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ku sugnaa isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal Askari ayaa la dilay, halka mid kalana dhaawac uu soo gaaray, kadib dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray Askarta iyo ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerarka kadib waxay si nabad ku dheehantahay uga tageen goobta, iyadoona saacado kadib ay goobta soo gaareen ciidamo katirsan kuwa dowladda.

Xaalka ayaa haatan degan, waxaana caadi kusoo laabtay isku socodka gawaarida dadweynaha oo daqiiqado hakad ku yimid intii dagaalku socoday.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.