Col. Rufle: “Axmad Madoobe Ayaa Ka Dambeeya Dhallinyarada Lagu Laayay B/xaawo Waana Ka Aargoosaneynaa” (Dhageyso)

Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha DF ayaa ka hadlay afartii dhallinyaro ee uu maamulka Jubbaland ku dilay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in dhallinyaradaasi loo dilay si aad u fool xumo badna kadib markii iyagoo hurda guryahooda lagala baxay kadibna meydadkooda wadooyinka lasoo waray, wuxuuna arrintan ku eedeeyay Axmad Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maamulka jubbaland ay ay baahiyen hadallo ay ku marin habaabinayaan kuna qaboojinayaan dareenka bulshada Baladxaawo, wuxuuna xusay inaaney aqbalay wararka sheegaya in la xiray gudoomiyaha degmada iyo rag lamid ah.

Dhanka kale waxaanu la xiriirnay saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland laakin waxa ay ka gaabsadeen iney qadiyadan ka hadlaan. Balse xogo la helayo ayaa sheegaya in Axmad Madoobe uu qorsheynayo inuu booqdo degmooyinka qaar ee gobolka Gedo oo ay ku nool yihiin bulsho aan rabin maamulkiisa, sidaa darteed ayaa waxaa jira il’ole dadka lagu baqdin galinayo si iyagoo dabacsan oo mashxaradaya ay usoo dhaweeyaan madaxweynaha Jubba.

Halkan Ka Dhageyso Col Rufle Dilkii Beledxaawo

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.