Dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Banqaazi ee dalka Liibiya.
Iyadoo dhawaan dagaal ooge khaliifa Xaftar uu ku faanay in magaalada Banqaazi uu ka saaray kacdoon wadayaasha Mujaahidiinta ah ayaa warkaas waxaa beeniyay xaalka dhabta ah ee ka jira magaalada Banqaazi.
Saraakiil milliteri iyo ilo caafimaad oo ku sugan magaalada Banqaazi ayaa xaqiijiyay in dagaallo xoogan ay marti gelisay magaalada, islamarkaana dhimasho iyo dhaawac ay jiraan.
Wadooyinka xaafadda Al-Saabiri oo ah xaafad ay ku xooganyihiin ciidamada kacdoon wadayaasha ayaa ah halka uu ka dhacya dagaalka xoogan, kaas oo gallaaftay nolosha 12 Ruux oo labada dhinac katirsan iyo dhaawaca tiro kale.
Dagaalkan ayaa meesha ka saaraya warar dhawaan uu sheegay dagaal ooge Khaliifa Xaftar kaas oo ku aadanaa inuu gebi ahaanba magaalada Banqaazi ay la wareegeen ciidamadiisa.
Magaaladan ayaa tan iyo sanadkii 2011 waxay marti gelineysaa dagaallo culus oo u dhexeeya kacdoon wadayaasha iyo malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, kaas oo u sacyinaya in gebi ahaanba uu la wareego magaalada, islamarkaana uu gacan bir ah ku maamulo.