DEG-DEG: Kamiin lagu hoobtay oo Ciidamada Shisheeye loogu dhigay Shabeellaha hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan AMISOM ay ku dheceen kamiin culus oo ay u dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Boqollaal Askari oo katirsan ciidamada AMISOM kuna socdaalayay meel u dhow deegaanka Golweyn ee u dhow Buula-Mareer ayuu kamiinku qabsaday, wuxuuna Kamiinku ahaa mid culus sida ay inoo sheegeen dad deegaanka ka ag dhow.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u farabadan ayaa lagu soo waramayaa in la gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha, waxaana jira gawaari dagaal oo ay Mujaahidiintu gubeen.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa meydad uga cararay goobta dagaalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan iney jiraan maxaabiis nool oo gacanta Mujaahidiinta galay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha iyo qaabka uu dhacay kamiinkan oo ahaa mid dagaal isku bedelay, balse wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.