Deg-deg: Qarax baabuur oo lala beegsaday Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye iyo kuwa Bankraft.
Goordhow Qarax aad u weyn oo laga maqlay Muqdisho iyo deegaannada u dhow ayaa ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeye ee AMISOM iyo ciidamada Maraykanku tababartay ee loo yaqaano Bankraft.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari miineysan oo la dhigay hareerta wadada, waxaana uu qarxay markii kolonyada Shisheeyuhu soo gaareen Siinka-dheer.
Uura madow ayaa goobta ka kacday, waxaana la arkayay isku dhex yaac ku yimid Ciidamada Shisheeyaha markii uu Qaraxu dhacay kadib.
Khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu gaaray ciidamada Shisheeyaha iyo malleeshiyaadka Bankraf-ta, balse lama hayo faafaahin dhameystiran.
Kolonyada la beegsaday ayaa ka yimid dhanka Muqdisho waxaana ay u socdeen saldhiga Ballidoogle oo ah saldhig millitri oo ay ku suganyihiin ciidamo Shisheeye oo Maraykan ay ku jiraan.
Wixii soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.