Degdeg: Al-callaamah Shariif Cabdi Nuur oo Geeriyooday.
Allaah u naxariisto’e, waxaa magaalada Maka ee dalka Sucuudiga ku geeriyooday Shariif Cabdi Nuur oo ahaa caalim Soomaaliyeed oo dad badan cilmigiisa uga faa’iideeyay.
Sheekha ayaa muddo ku xanuunsanayay wadankaas Sucuudiga, waxaana dad ehel la ah ay inoo xaqiijiyeen inuu saacado ka hor geeriyooday.
Caalimkan ayaa ah mid ay ku dayasho ugu sugan tahay culimada Soomaaliyeed, waayo ma ahan Sheekh gabi dhacleeya oo sida wadaadaha qaar iska raaca hadba meeshii ay dantooda ku jirto iyagoo aanan ka eegin sharciga iyo wax uu ka qabo.
Sheekha ayaa fadwadiisii ugu dambeysay qiyaastii sadax sannadood ka hor ku taageeray halkanka lagula jiro ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka Soomaaliya.
إنا لله وإنا إليه راجعون
Sheekh C/nuur
Rabbi ha u naxariisto kheyr badan baan u tirinaynaaye
Alle janno ha ku abaaliyo .
Walaalaha kheyrka badan waxaan ka filaynaa in ay noo soo gudbiyaan Taariikh-nolaleedkii (Al-Calaama Shariif C/nuur) Barnaamijka Todobaadlaha ee Diirada Jumcada adinkoo ka waraysanaya dadka ehelka u ah Culmada iyo Akhyaarta taqaan In-sha-alah.
Waayeel tilmaamuu ahaa diintu say tiriye
Taariikh ifay suu lahaa oon tirmayn abide
Tafta niman u dhigay buu ahaa gaal talyaaniyahe
Tafsiir iyo xadiis iyo fiqiga iyo tacliim too dhan
Goor tuu tilmaamay gartaan hayska tookheene
Tacliin aan akhlaaq wadan naflaha way tikhaan tikhine
Tubta niman ka leexdiyo markay tuugo caayey say
Tiraab qura kamuu oran madkhali tuhuma duu saaray
Tukastoy jadiidiyo lahayd tiimam ka irjaaga
Tusbaxliyo qubuuriyo iyo dhamaan tuugo Ictisaama
Tiimam kii shareecada gatee toos u nacay diinka
Niman kii jihaad uga tagay tiimbare irjaaga
Trump iyo ku wii Putin shalayto taageeray
Tumaatida habaar kaa ku wii toos u marinaayey
Tilmaamihi wadaad xume Ilaah kuma tahluu layne
Taariikh da baal dahab ah buu kaga timaanaaye
Tafiir wacan inuu yahay ayaan muranki taag nayne
Waa tiir shabihi ibnu xambalo aan tarixin diinta
Tawaabow Ilaahoow adaan tuugi magacaaye
Tiraab tii wacnayd iyo sahal ereyga tawxiid ka
Turaath iyo wuxuu khayr ka tagay toos u dhacay sii
Tub banaan markii loo bexee talo cidhiidh yoon to
Tiimka xawdka nabi moxamed cabtee aan haraad taaban
Naga yeel Tawaabow ku waan laga taxaa bay nin