Degeg: Miino Baarayaal Udhashay Jabuuti oo Lagu Dilay Buulo-barde.
War degdeg ah oo kusoo dhacay xafiiska war-qabadka war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegaya in 3 askari oo miino baarayaal ah una dhashay dalka Jabuuti lagu dilay magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.
Askartan ayaa qarax lagula beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada, waxaana xilliga la beegsanayay ay wateen qalabka miino baarka.
Askar kale oo jabuutiyaan ah islamarkaana aad u careysan ayaa qaatay meydadkooda, kuwaasoo la aaday xarunta weyn ee ay magaalada ka deggan yihiin.
Habeenkii xalay ayay ahayd markii ciidamadan Jabuuti la kulmeen weerar culus oo kaga yimid Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaasoo afarta jiho looga soo qaaday.