Dhagayso:Sheekh Cali Dheere”Todobo Sarkaal uu Ku Jiray Ninkii Watay Ciidanka Ayaannu Ka Dilnay Amisom”

War rasmi ah ayay xarakada Shabaabul Mujaahidiin kasoo saartay dagaal culus oo shalay shabeelaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Ugandha iyo kuwa Alshabaab.

Shir jaraa’id uu qabtay Sheekh Cali dheere Afhayeenka shabaabul Mujaahidiin ayuu ku faafaahiyay dagaal ka dhacay Golweyn.

“Dagaalka Halkaasi ka dhacay ee ay isku fara saareen Mujaahidiinta iyo Cadowga  wuxuu noqday mid allaah uu guul ku siiyay Mujaahidiinta, cadowgana muddo yar kadib waxay noqdeen kuwa cararay iyo kuwa ku halaagsamay gacanta Mujaahidiinta”ayuu yiri Sheykh Cali dheere.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo soo hadal qaaday Khasaaraha soo gaaray Ciidamada shisheeye waxa uu sheegay in Ciidamadooda dagaalka galay ay dul tageen maydadka 39 Askari oo 7 kamid ah ay ahaayeen Saraakiil uu ku jiray ninkii hogaaminayay Ciidamada.

Sheykh Cali dheere ayaa sheegay in saaxada lagu dagaalamay ay ku kala cadaadatay sida ay ukala dhiiranyihiin Ciidamada udagaalamaya wadada allaah iyo kuwa difaacaya ee udagaalamaya kufriga.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab mudadii uu ku jiray shirkiisa jaraa’id waxa uu sheegay in shisheeyuhu maanta uusan  awoodin inay sahay isku gudbiyaan  laguna go’doomiyay meelaha ay ku suganyihiin.

“10 Sanno kadib hadaad isku gudbin la’dihiin sahaydiin cibro ayaa idinku sugan, hadaad 50 sanno sii joogtaan wadadaasi ayaad ku socon doontaan mana dhacayso inaad guul ka gaartaan dadkaan dhulkaan leh oo diintooda dumisaan”ayuu raaciyay hadalkiisa isagoo intaas ugu daray shisheeyaha in beerahooda fashtaan oo dalkaan isaga tagaan.

Sheekh Cali dheere waxa uu sheegay in Mujaahidiintu udagaalamayaan shan sheey oo shareecadeena islaamku utaqaanno Kuliyaatu khamsah.

Umadda Muslimka Soomaaliyeed ayuu afhayeenku ku booriyay inay ukacaan jihaadka oo ay difaacaan diinta.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed usheegay inaysan dheg jalaq usiin oo aysan ku dhagramin dacaada iyo beenta iyaga ka dhanka ah ee cadowgoodu faafinayo.

Ugu danbeyntii sheykha Waxa uu udiceeyay Mujaahidiinta waxaana uu kula  dardaarmay inay unaxariistaan shacabka.

Halkan ka dhagayso Kalimad uu jeediyay Sheekh Cali Dheere.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.