Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay dalka Jarmalka.

Sawirka fuliyaha Weerarka.

Wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ee qaaradda Yurub ayaa sheegaya in weerar kaligii duulnimo ah uu ka dhacay magaalada Parlin oo ah caasimadda dalkaas, kaas oo uu fuliyay Ruux dhalinyaro muslim ah.

Weerarka ayaa ka dhacay goob SuperMarket ah, islamarkaana dad badani ka adeeganayeen, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay oo Jimco ah ayaa sida ay Booliisku sheegeen waxaa ku dhintay hal Ruux, halka 6 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana xaaladda dhaawacyada qaar ay tahay mid halis ah.

War kasoo baxay Booliiska magaalada Parlin waxaa lagu sheegay in qofka weerarkan fuliyay uu kasoo jeedo dalka Imaaraatka Carabta, wuxuuna da’ ahaan jiraa 27 sano.

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay ninkan, waxaana ay sheegeen inuu qaab qoxootinimo ku joogay Jarmalka, iyagooha ku tilmaamay inuu ahaa Islaami Xag jir ah, sida ay iyagu hadalka u dhigeeen, waxaana weerarka loo adeegsaday Mindi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.