Dowladda Masar oo qab qabasho ku billowday Ardeyda kasoo jeeda Turkistaanta bari ee jooga dalkaas.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa nidaamka Afgembiga ee ka dhisan dalka Masar uu qab qabtay tobanaan Arday Muslimiin ah oo kasoo jeeda dhulka Turkistaanta bari ee ay gumeysiga ku heysto dowladda ilxaadka ee Shiinaha.

Ciidamada Amaanka iyo kuwa Booliiska ayaa qaaday ol ole ballaaran oo lagu beegsanayo Ardayda Muslimiinta Ayghoor ee wax kabarta Jaamacadda Azhar ee dalka Masar, waxaana tobanaan Arday oo baranayay diinta Islaamka ay haatan ku xanibanyihiin saldhigyada Amaanka ciidamada Masaarida.

Waxaa laga cabsi qabaa in dowladda Masar Ardeydan ay qabatay u gacan geliso dowladda Shiinaha taas oo iyadana u taxaabi doonto xabsiyada ay ku tacdiibiso Muslimiinta Ayghooriyiinta, waxaana qofka ka taga dhulka Turkistaan ee u safra dalalka Muslimiinta uu muteystaa mararka qaar dil ama xabsi tacdiib daran uu ka jiro.

Hay’ada maxalli ah oo ka dhisan dalka Masar ayaa cambaareeyey tallaabada uu qaaday nidaamka Afgembiga Masar, waxaana ay ka digaan in dhalinyaradaas muslimiinta ah loo gacan geliyo dowladda Shiinaha.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka waxay muujinayeen Ardayda Muslimiinta Turkistaan oo lagu wado gawaarida dadka lagu qafaalo, waxaana Jaamacadda Azhar afhayeen u hadlay uu beeniyay warka ah in ardey kasoo jeeda Turkistaan la xiray.

Qab qabashada  Ardaydan muslimiinta ah waxay timid kadib markii dhawaan uu dalka Masar booqasho ku yimid xubin katirsan dowladda Shiinaha, kaas oo heshiis dhanka amniga ah la saxiixday maamulka Masaarida, waxaana suuragal ah in kulankaas arimaha lagu kala saxiixday ay ku jirto in dhalinyarada Muslimiinta Turkistaan ee wax kabarta Masar si qasab ah loogu gacan geliyo dowladda Shiinaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.