Eng. Idiris oo Booriyay Wax Soo Saarka Dalka Kana Hadlay Duruufaha Ay Wax Ku Beertaan Reer Yurub. (Dhageyso)
Idiris Xassan Faarax oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa si qoto dheer u booriyay wax soo saarka beeraha dalka isagoo sheegay in Soomaaliya ay hodan ku tahay tacabka, taasoo haddii laga faa’iideysto hodan ka dhigi karta ummada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in dadka Yurubta ku dhaqan ay duruufo adag wax ku beertaan maadaama cimiladoodu u badan tahay qabow, saasoo ay tahayna ay lasoo baxaan wax ku filan, halka Soomaalidu aaney ka faa’iideysan barwaaqada uu Allaah ku mannaystay.
Ugu dambeyntii wuxuu ummada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalkooda beertaan iskana dhaafaan tahriibka iyo gacmo u hoorsiga reer galbeedka duruufaha adag wax ku beerta.