Imaaraatka: Waxaan rabnaa in bariga dhexe ay ka dhismaan dowlado Cilmaani ah.
Safiirka dowladda Imaaraatka u fadhiya dalka Maraykanka Yuusuf Al-Cutba ayaa waraysi uu siiyay TV ku yaala dalka Maraykanka wuxuu kaga hadlay aragtida iyo hadafka ay hiigsanayaan dowladaha go’doonka kusoo rogay dowladda Qadar.
Al-Cutba oo waraysi dheer siiyay TV-ga PBS ee kasoo baxa dalka Maraykanka, islamarkaana waraysigaas qeybo kamid ah lagu baahiyay websitka safaaradda Imaaraatka ee Maraykanka ayuu sheegay iney doonayaan in tobanka sano ee soo socoda ay bariga dhexe ka dhismaan dowlado Cilmaani oo horumarsan, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu Yuusuf Al-Cutba safiirka Imaaraatka ee Maraykanka uu sheegay in dowladda Qadar ay kasoo horjeedo aragtidaas, islamarkaana taas bedelkeeda ay taageero ballaaran siisay kooxda Ikhwaanul Muslimiin iyo jamaacaad kale oo uu sheegay iney ka dhisanyihiin Liibiya iyo Suuriya.
“Toban sano kadib waxay dowladaha Imaaraatka, Sucuudiga, Masar, Urdun, Masar iyo Baxreyn ay doonayaan in bariga dhexe ay ka dhismaan dowlado Cilmaani ah oo horumarsan islamarkaana xasiloon, arinkaanna wuxuu ka hor imaanayaa waxay rabto dowladda Qadar” ayuu yiri Yuusuf Al-Cutba, inkastoo aysan jirin farqi weyn oo u dhexeeeya dowladahan marka laga hadlo qadiyadda Cilmaaniyadda iyo u xukun tagida dasaatiirta wadciga.
Khilaafaadka u dhexeeya dowladaha Khaliijka ayaa bishii labaad lugaha lasii gelaya, waxaana muuqaneysa iney sii adkaaneyso in xal laga gaaro, waxaane go’doonkan lagu soo rogay Qadar uu saameynta ugu badan ku yeeshay Shucuubta muslimiinta ee dega dalalkaas oo ah dad walaalo ah oo wada dhashey.