9-Qof oo Kenyaati Ah oo Lagu Dilay Xad Beenaadka Ay La Wadaagto Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku waramaya in kudhowaad toban Ruux oo Kenyaati Kirishtan ah lagu diley deeganadaas habeenkii xalay.

Ugu yaraan 9 Ruux oo Kenyaati ah ayaa la sheegay in la gowracay, warkan waxaa warbaahinta Kenya u xaqiijiyay Saraakiil katirsan booliiska gobolka, waxaana howlgalkan uu ka dhacay deegaannada Jimo iyo Promoko.

Howlgalkan lagu dilay sagalkan Ruux kadib, waxaa lasoo dersay muwaadiniinta Kenyaatiga ee xooga lagu deegaameeyey dhulalka Muslimiinta xabsi xoogan, iyagoona ka baqaya in xiliyada habeenkii ah ay la kulmaan weeraro qorsheysan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weli wax war ah kama soo bixin oo ay ku sheeganeyso weerarkan ama ay ku beenineyso, waxaana uu yimid weerarkan maalmo kadib markii dhulka NFD qeybo kamid ah laga helay xabaal wadareedyo lagu aasay dad Muslimiin ah, kuwaas oo Ciidamada Amaanka Kenya ay gacanta ku dhigeen, waxaana laga yaabaa in weerarkan dambe uu aargud u yahay xasuuqaas loo geystya Muslimiinta.

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa weerarkan ku eedayay iney ka dambeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si firfircoon uga howlgasha gobolka Xeebta iyo NFD ee ay Kenya gumeysiga ku heysato.

You might also like
1 Comment
  1. Adam says

    Allaahu akbar.

Leave A Reply

Your email address will not be published.