Kuuriyada Wuqooyi oo tijaabisay saaruukh Qaaradaha ka gudba, iyo Maraykanka oo hanjabay.
Dhawaan dowladda Kuuriyada Wuqooyi ayaa tijaabisay saaruukh weyn oo ka gudba Qaaradaha, kaas oo kamid ah qorshaha ay dowladda Biyoon Yung ku dooneyso iney ku hormariso awoodeeda dhanka Nuclearka.
Muuqaal lagu baahiyay Tvga ku hadla afka xukuumadda Kuuriyada Wuqooyi ayaa lagu arkayaa iyadooo Jeneraallo katirsan saraakiisha ciidanka Kuuriyada Wuqooyi ay jiidayaan saaruukh weyn, iyagoona meel cidlo ah ku rakibaya saaruukh weyn, kadibna sii deynaya, markaasna waxaa si live ah ula socoda madaxweynaha Kuuriyada Wuqooyi ee caanka ku ah mucaaradida iyo inuu iskala weynyahay Reer Galbeedka.
Saaruukhan ka gudbaya qaaradaha ayaa ku dhacay sida la sheegay mandiqad katirsan dalka Japan, oo ah meel istiraatiiji ah, balse Biyoon Yung ma sheegin halka rasmiga ah ee gantaalkeeda uu gaaray.
Dowladda Maraykanka ayaa durba si cad u cambaareysay tijaabinta Saaruukhan, wuxuuna Donald Trump uu iswaydiiyay inaanu lahayn madaxweynaha dhalinyarada ah ee Kuuriyada Wuqooyi shaqo aan ka ahayn tijaabinta Sawaariikhda.
Golaha Amaanka waxa loogu yeero ayaa yeeshay kulan deg deg ah, kaas oo looga hadlay tijabada ay sameysya kuuriyada Wuqooyi, waxaana safiiradda Maraykanka ee golaha u fadhisa ay soo jeedisay in la xoojiyo cuna qabateynta saran dowladda Kuuriyada Wuqooyi.