Labaatameeyo Ruux oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay dalka Maraykanka.

Dilalka iyo weerarada qorsheysan ayaa kusoo badanaya dalka Maraykanka, iyadoona saacadihii lasoo dhaafay ay dhaceen weeraro ay ku waxyeeloobeen dad Ameerikaan ah.

Weerarkii ugu dambeeyey wuxuu ka dhacay magaalada Little Rock ee caasimadda gobolka Arkansas ee dalka Maraykanka.

Qof hubeysan ayaa rasaas ku furay goob kalaab ah oo xilliyada habeenkii ah lagu caweeyo, waxaana uu dhaawacay kudhowaad 30 Ruux oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.

Dhaawacyada dadka qaar ayaa halis ah, waxaana suuragal ah in saacadaha soo socoda ay u dhintaan.

Saraakiisha booliiska gobolka ayaa barta twitterka waxay kusoo qoreen in dhacdadan aysan sal ku lahayn waxay ugu yeereen weerar Argagaxiso, balse ay tahay muran dhexmaray dadka ku sugnaa Kalaabka.

Dhawaan ayay ahayd markii qof hubeysan uu weerar ka geystay isbitaal caafimaad oo ku yaala magaalada Newyork, isagoona halkaas ku dhaawacay 3 kamid ahayd dhakhaatiirta Isbitaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.