Ciidamo katirsan maamulka Koonfur Gableed oo la dilay.

Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in gobolkaas lagu dilay Askar katirsan maamulka Itoobiya ay ka dhistay gobolladaas eeKoonfur galbeed.

Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan maamulka Shariif  ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buunda-madow oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo.

Qarax culus ayaa lala eegtay Askartan, waxaana durba goobta ku dhintay 4 Askari.

Askarta la laayay ayaa kasoo baxay magaalada Baydhabo waxaana ay kusii jeedeen deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 20KM kaga  beegan jihada bari magaalada Baydhabo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu laayay askarta Shariif Sakiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.