Qarax ka dhacay degmada Afgooye.
Ciidamo katirsan dowladda federaalka oo ku sugnaa bar Kontorool oo ay dadka ku dhibaateeyaan ayaa goordhow waxaa lagu weeraray bambaanooyin.
Goobjoogayaal u waramaya Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan, waxay sheegayaan in rag hubeysan ay bambo ku tuureen Kontoroolka ay ku sugnaayeen malleeshiyaad katirsan dowladda, kaas oo ku yaala degmada Afgooye oo qiyaastii 30KM galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ilo lagu kalsoonaan karo waxay Al-Furqaan u sheegeen in labo Askari oo katirsan malleeshiyaadka dowladda ay ku dhaawacmeen qaraxan lagu tuuray, waxaana suuragal ah in dhaawacooda halis yahay oo ay sidaas u geeriyoodaan.
Dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalooyinka ay Shisheeyuhu xooga ku heystaan ayaa fuliya weeraro noocyo kala duwan leh oo hurda iyo hooyaadba u diiday saraakiisha dowladda, malleeshiyaadka iyo Ciidamada shisheeye AMISOM ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.