Ciidamada Kenya oo lagu duqeeyay deegaannada dhulka NFD.
Ciidamo katirsan guutooyinka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gudaha dhulka NFD ee ay Kenya gumeysiga ku heysato.
Duqeyntan ayaa dhacday xalay, waxaana ciidamada Mujaahidiintu dhowr baalooto oo ka dhacda qoriga hoobiyaha ay la heleen saldhiga oo xilligaas ay ku sugnaayeen ciidamo farabadan oo Kenyaati.
Saldhiga la duqeeyay waxa uu ku yaalaa deegaanka Ceelraam ee dhaca Ceelwaaqda ku taalla gudaha dhulka Kenya ay gumeysiga ku heysato, waxana lasoo sheegayaa in duqeyntaas ay sababtay khasaare Nafeed iyo mid maaddi intuba.
Howlgallada milliteri ee ka dhanka ah ciidamada Kenya ayna fulinayaan guutooyinka Mujaahidiinta ayaa soo badanaya maalmihii lasoo dhaafay, waxaana muuqaneysa in dar dar xoog leh ay Mujaahidiintu lasoo baxayaan.