Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay Xudur.

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa tibaaxaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Saraakiil katirsan maamulka uu hogaamiyo Shariif Sakiin ee Itoobiyaanku ka dhiseen gobollada Baay iyo Bakool.

Ciidamo katirsan Jabhadda Wilaayada Islaamiga Baay iyo Bakool ayaa weerar dhabagal ah u dhigay saraakiil katirsan kuwa Itoobiya ku wehlinaya Xudur, kuwaas oo marayay duleedka magaalada, waxaana ay Mujaahidiintu ku guuleysteen iney dilaan labada Sarkaal.

Saraakiisha la dilay oo labo ahaa ayaa magacyadooda waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Xasan Gaduud iyo Calow Madliif.

Waxaa laga qaatay labo Qori oo ay wateen iyo qalab Isgaarsiin oo ciidamadu isticmaalaan.

Malleeshiyaadka Soomaalida ee wehlinaya ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga gobolka Bakool ayaa la kulmaya ugaarsi iyo weeraro qorsheysan oo uga imaanaya dhanka Mujaahidiinta, waxaana malleeshiyaadku inta badan soo aadaan deegaanno u dhow Xudur iyagoo is qarinaya si ay dhac iyo boob u geystaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.