Sarkaal katirsan dowladda federaalka oo lagu diley Muqdisho.
Qarax xoogan ayaa lala eegtay Sarkaal katirsan ciidamada booliiska dowladda federaalka, isagoo maraya mid kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaa Qaraxa lala eegtay gaari uu watay Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Weli Sebriya oo katirsan saraakiisha Booliiska isagoo maraya wadada gasha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa si adag u haleelay gaariga uu watay Sarkaalkan, taas oo keentay in dhaawac halis ah uu halkaas kasoo gaaro Sarkaalka, waxaana durbadiisa loola cararay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.
Qaraxan oo dhacay habeenkii xalay ayaa sababay in Sarkaalka uu u geeriyoodo dhaawaca soo gaaray, mana jirto war kasoo baxay dhanka xarakada Al-Shabaab oo inta badan sheegata howlgallada ka dhanka ah saraakiisha dowladda ee ka dhaca magaalada Muqdisho.