Sarkaal sare oo katirsan dowladda oo lagu dilay Muqdisho.

Casar liiqii waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka.

Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Siciid Kaarshe, waxaana toogtay Rag bastoolado ku hubeysan, isagoo ku sugan xaafadda Xamar bile ee degmada Wardhiiglay magaalada Muqdisho.

Raggii dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, kadib markii hadafkoodii ay gaareen, waana mas’uulkii ugu sareeyay oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay lagu toogto magaalada Muqdisho.

Saraakiisha dowladda ayaa hadaf u ah ciidamada qarsoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si firfircoon uga howlgala caasimadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.