Sarkaal sare oo lagu dilay gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in la diley Sarkaal katirsan maamulka Puntland, kadib markii Qarax lala eegtay gaari uu watay.

Sarkaalka Qaraxa lagu diley waxaa lagu magacaabaa Cali Muuse Nuur oo loo yaqaano Cali Jaxeer, wuxuuna ahaa xubin katirsan amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Salaadda Casir kadib ayaa Qarax waxaa lagula eegtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wuxuuna sarkaalkan kamid ahaa Saraakiishii wax ka abaabuley dagaalladii Suuj iyo Garracad ee dhexmaray sanadkii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Puntland.

 

You might also like
1 Comment
  1. Abu fatma says

    Mid mid loo ugaadh Sado wacnaa waa siday tahay
    Walbahaar inay abid mutaan way mudnaayeene
    Gaal walan walheeyiyo nijaas cadaw walaalaysta
    Gawrac lagu waa dhaaciyo sidii wanan ashaa diina
    Ama sumal wanqalo loo dabaray waa wuxshiye laaya

Leave A Reply

Your email address will not be published.