Sawirro: Dhowr bilood oo dagaal ah kadib, waa sidee muuqaalka Muusil?

Magaalada Muusil ee dalka Ciraaq waxaa 8 bilood oo xiriir ah ka socoday dagaallo xoogan kuwaas oo dhexmarayay ciidamada Rawaafida ee kusoo duulay magaalada iyo dhalinyarada muslimiinta ee difaacanayay magaaladooda, waxaana intii dagaalladaas ay socodeen jiray khasaaro badan oo gaaray dadka Muslimiinta.

Inkastoo weli qeybo kamid ah magaalada ay dagaallo ka socodaan hadana inteeda badan waxay u gacan gashey Rawaafida oo taageero nooc weliba ka helay Maraykanka,  waxaana mugdi ku jira masiirka malaayiinta Muslimiinta ee ku dhex sugan weli magaalada.

Inta ugu badan dadka magaalada waa hore ayay ka barakaceen, hadana waxaa jira kuwa ku dhex go’doomay magaalada islamarkaana awoodi waayay iney kabaxaan.

Malleeshiyaadka Rawaafida oo xasad iyo cuqdad weyn u qaba Ahlu Sunnaha ayaa horeyna ugu kacay hadana ay xaqiiq tahay iney ku kici doonaan gabood fallo kala duwan oo xanuun badan.

Sawirka dhanka hawada ah oo laga qaaday magaalada Muusil waxay muujinayaan burbur baaxad leh oo ay magaaladu la kulantay, bilihii ay dagaalladu socodeen, maadama duqeymo waali ah oo aan kala sooc lahayn ay magaaladu la kulmeysay kuwaas oo ay geysanayeen diyaaradaha Taxaalufka Maraykanku hogaamiyo.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.