Tobanaan Ruux oo ku waxyeeloobey Iska hor imaadyo ka dhacay afaafka hore ee masjidul Aqsaa.
Iyadoo maalintii tobanaad ay dadka Muslimiinta ahi wadaan dibadbaxyo ballaaran oo ka soconaya afaafka hore ee masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, kaas oo looga soo horjeedo tallaabooyin xadgudub ah oo ay Yahuudu kusoo rogeen masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa iney sii kordhaan dadka ku waxyeeloobey weerarada ka imaanaya dhanka Yahuudda.
Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta ay soo gudbinayaan waxay sheegayaan in tobanaan Ruux oo muslimiin ah oo kamid ah dadka ribaadka kag jira afaafka hore ee masjidka ay ku dhaawacmeen weeraro ay soo qaadeen ciidamada Yahuudda.
Dadka dhaawacmey ayaa xaaladoodu kala duwantahay, waxaana waxyeello ay kasoo gaartey rasaas ay ridayaan ciidamada Yahuudda iyo sunta dadka ka ilmeysiisa oo dadka muslimiinta ah lagu kala eryanayay.
Salaadii Subax waxay dadka muslimiinta ah ku tukteen afaafka hore ee masjidka gaar ahaan albaabka Al-Asbaadh, waxaana ay diideen in masjidka ay galaan illaa laga wareejiyo qalabka electronic ee lagu xiray.
Dhanka kale Yahuudda ayaa isbedel ku sameeyey albaabada electronic, waxaana ay dib usoo celiyeen albaabadii caadiga ahaa, balse waxay ku xireen kaamirooyin waaweyn, dadka muslimiinta ahse waxay sheegeen in weli ay ku adkeysanayaan go’aankooda ah ineysan gelin masjidka illaa laga suuliyo guud ahaan kaamirooyinka lagu xiray.
Labo askari oo katirsan Yahuudda ayaa saaka la dhaawacay, waxaana la dhigay isbitaallada ay Yahuuddu ku leeyihiin magaalada Al-Qudus.
waaaa shacab dawlad la,aan diriraya. Allaah baana u hiilinaya e bal daya!.