Wararkii ugu dambeeyay ee howlgalka Al-mansuuriyah ee ka socoda Afqaanistaan.

Waxaa si xowli ah oo dar dar leh ku socoda dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan iyo malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, kuwaas oo ka dhacaya gobollo kala duwan oo katirsan dalkaas.

Inkastoo dagaallada iyo howlgallada jihaadigu ay si isku mid ah uga socodaan wilaayaadka kala duwan ee dalka Afqaanistaan hadana dagaalkii ugu adkaa wuxuu maanta ka dhacay wilaayada Badkhashaan ee dalka Afqaanistaan.

Ciidamo katirsan imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa weerar ku qaaday xarunta maamulka degmada Tajaab iyo barko kontorool oo ku yaala hareeraha magaalada.

Weerarka oo qeyb ka ah howlgallada Al-Mansuuriyah, wuxuu billowday aroornimadii hore ee maanta, waxaana lagu dilay malleeshiyaad aad u farabadan oo katirsan xukuumadda Kaabul.

War lagu qoray barta ay Imaaradu ku leedahay Internetka waxaa lagu xaqiijiyay in Mujaahidiintu ay dileen 46 Askari, ayna nolosha ku qabteen 14 kale iyaga iyo hubkii ay wateen, waxaana intaas dheer qanaa’imta kale ee Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.

Dhanka Mujaahidiinta waxaa dagaalkan cuslaa ku shahiiday hal Mujaahid, iyadoona 3 kale ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale ciidamada Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxay gebi ahaanba la wareegeen degmada Bashtakwa ee gobolka Faraah ee dalka Afqaanistaan, kadib dagaal culus oo saaka ay ku qaadeen malleeshiyaadka halkaas ku sugnaa.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay warbaahinta u xaqiijiyeen in 16 Askari oo katirsan malleeshiyada xukuumadda Kaabul lagu dilay weerarkan.

Silsilado howlgallo ah oo isugu jira weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo camaliyaad Istish-haadi ah ayaa si isku mid ah uga socoda dalka Afqaanistaan, waxaana qiimeyn dhawaan la sameeyey lagu sheegay in Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ay maamusho %60 dalka Afqaanistaan, iyadoona inta soo hartay ay ka dhacaan howlgallada Mujaahidiinta.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Mujaahidiinta ay dagaal culus ku qaadeen magaalada Jarshak ee gobolka Helmand, halkaas oo ay ka dhaceen saddex camaliyadood oo istish-haadi ah o mid kamid ah uu fuliyay wiil uu dhalay Amiirul Mu’miniin Mowlawi hibatullaah oo lagu magacaabo Khaalid,  sida ay sheegeen ilo Jihaadiyiinta ka ag dhow.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.