Washington Post: Tani Waa Sababta Al-Shabaab Aan Waqti Dhow Loo Maquunin Karin.(Sawirro)
Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa dalka Maraykanka ee Washington Post ayaa daabacay maqaal ay qortay haweeney wax falanqeysa dalkaas u dhalatay taas oo lagu magacaabo Tricia Bacon, iyadoo maqaalkan uga hadashey awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalanta bariga Africa.
Waxay is dul taagtay awoodda Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab iyo howl galladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Kenya, waxaana jirtay in ka hor qormadeedan ay ay waraysiyo iyo diraasaad ku qabatay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
“14 June waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaaday Pizza Restaurant oo ku yaala magaalada Muqdisho , iyadoo halkaas ku dishey 30 Ruux sida war bixinta lagu sheegay, horaantii June-na waxay dagaal yahannada Al-Shabaabul mujaahidiin cagta mariyeen saldhig ay ciidamada Puntland ku sugnaayeen, iyagoo halkaas ku diley tobanaan askari, waxaana sidaas ay xagga khasaare geysashada uga hormareen Boko Haram” ayay tiri Tricia Bacon oo baare ka ah Jamaacad ku taala Mareykanka.
Mar ay is dul taagtay sababta keentay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay shacbiyad ku yeelato dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayay sheegtay in aysan adeegsan awood oo kaliya, balse dadka ku hoos nool ay u gudbiyaan adeegyo bulsho oo soo jiidasho leh kana sareeya midka ay dowladda sameyso sida amniga iyo kala dambeynta ka jirta dhulka ay Xarakadu ka taliso, intaas waxaa dheer oo ay carrabka ku adkeysay in mujaahidiintu hab wanaagsan u xalliyeen khilaafaadka bulshada, waxaana ay ku amaantay inaaney Mujaahidiintu aqoon musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, halka dowladda federalku caan ku tahay arrimahaas.
“ Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay noqotay dowlad ka hoos shaqeyso dowlad kale, waxaana noqotay hormuud iyo halyey samata bixin kara qabaa’ilka Soomaalida ee dowrkooda la iska illaaway” ayay tiri Bacon. Hadalkeedan ayaana kusoo aaday xilli usbuucii lasoo dhaafay ay beesha Abgaal Sh/dhexe ku caleema saaratay imaam cusub kuna dhawaaqday iney taageersan tahay xarakada Al-Shabaab.
Waxay soo hadal qaaday tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda Maraykanku qaadatay dagaalada ka holcaya Soomaaliya ee u dhaxeeya mujaahidiinta iyo shisheeyaha iyo sida ay dalkan ugu aqoonsatay mandiqad halis ah.
Mar ay caqligeeda ku miisaantay mudada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sii jiri karto, ayay in inkastoo ay jiraan dad arka in awoodda Al-Shabaab la daciifiyay maadama ay ka baxeen magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo kuwa dekadaha leh, hadana iyadu ay la yaabtay sida ay Xarakadu u awooddo in duruuf kasta oo timaada ay ula qabsato, waxayna sii raacisay “ Al-Shabaab ma awoodin oo kaliya iney sii jiraan, basle waxa kaloo ay awood u yeesheen iney sii fidaan”.
Waxay leedahay Bacon : “ Juqraafi ahaan ciidamada AMISOM waxay koobeen Xarakada Al-Shabaab, balse arintaas waxay usoo jiiday iney la kulmaan weeraro waaweyn, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac baaxad leh sufuuftooda ku keenay, iyagoona laga furtay hub kala duwan oo ay ku jiraan kuwa culus iyo gawaarida dagaalka”.
Waxay intaa ku dartay in waaxda Sirdoonka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee loo yaqaano Amniyaadka ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro waaweyn, kuwaas oo gallaaftay nolosha dad badan.
Maqaalkan oo ahaa mid dheer ayaa lagu soo hadal qaaday silsilado qaraxyo ah iyo weeraro toos ah oo dhawaanahan ka dhacayay dhulka xeebta ee ay Kenya gumeysiga ku heysato, waxaana ay sheegeysaa in iyadoo isbuucyo kaliya naga xigaan doorashada dalka Kenya ay hadana weeraradu sii kordheen, lagana cabsi qabo in doorashoyinka ay saameyn ku yeeshaan.
Al-Shabaab waa dowlad Maxalli ah oo si wanaagsan u shaqeysa.
Ciwaankan jaanibiga ah ayay ku milicsatay sida wanaagsan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u maamusho qeybo badan oo katirsan dalka Soomaaliya iyo maamul wanaaga ay Mujaahidiintu ku sifoobeen.
“ Xarakada Al-Shabaab waxay dadku usoo gudbisay adeegyo ay illaa iyo hadda dowladda awoodi la’dahay iney soo gudbiso, waxay Xarakadu amni iyo xasilooni ka hirgelisay dhulka ay maamusho, waxay maamushaa maxkamadaha si ay u ciqaabaan dambiiliyaasha ayna u kala saaraan doodaha iyo muranka soo kala dhexgala dadka”. Ayay tiri Bacon.
Dadka Soomaalida ayay sheegtay iney ku qanacsan yihiin Maxkamadaha islaamiga ah ee ka jira wilaayaadka islaamiga ah, maadaama ay ogyihiin in xal waaro ay ka keeni karto qadiyadaha ay isku heystaan, marka uu xukunku dhacana waxay cidii wax loo xukumay ku saacideysaa sidii ay ku heli lahayd xuquuqdeeda.
Waxay aad ula yaabtay haweeneyda qortay diraasadan sida ay Mujaahidiinta iyo shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed isugu dhex milmeen, heer ay sheegtay inaan la awoodi Karin in la kala aqoonsado qofka shacabka ah iyo Askariga ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waayo waa dad muslimiin ah waa walaalo ah, taasna waxay sabab kale uga dhigtay maamul wanaaga Mujaahidiinta iyo iyagoo iskaashi baaxad leh la sameeyey qabaa’ilka Soomaalida iyo mujtamaca qeybihiisa kala duwan.
Awoodda militeri iyo mida sirdoon ee Mujaahidiinta ayay ku sheegtay iney tahay mid wanaagsan oo fadhisa, islamarkaan leh sal hoose oo sugan, waxaana ay daliil uga dhigatay sida ay Mujaahidiintu u awoodeen beegsashada jawaasiista loo soo diray farmuuqida Mujaahidiinta.
Diraasadan ay sameysay Tricia Bacon laguna daabacay wargeyska Washington Post waxay kusoo gebegebeysay “ waxay heshay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wadooyin iyo wadiiqooyin ay uga faa’ideysan karto firaaqa ay keentay dowladda, waxayna heysataa awood milliteri, saameyn siyaasadeed iyo fakar caqadi ah ama diini ah, kaas oo gaaray meel ka baxsan dhulka ay iyadu ka taliso, taas oo shaki la’aan ka dhigeysa in ka adkaanteeda aysan noqon doonin oo kaliya mid milliteri, xilli horumarka dowladda federaalka uu yahay mid taag daran oo dib udhac badan”.