Weerar ka dhacay magaalada Newyork ee dalka Maraykanka oo khasaare geystay.
Wararka naga soo gaaraya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in ruux hubeysan uu weeraray isbitaal ku yaala magaalada Newyork, oo ay ku jireen dad bukaanno ah.
Qofkan hubeysan ayaa rasaas ka dhex bilaabay isbitaalka Pronex ee magaalada Newyork, waxaana uu dhaawacay saddex ruux oo kamid ahaa dhakhaatiirta xilligaas ka shaqeyneysay Isbitaalka.
Saraakiisha Booliiska oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ay baadi goobayaan qofka weerarka fuliyay oo la rumeysanyahay inuu ku dhuumaaleysanayo gudaha isbitaalka.
Warbaahinta maraykanka ayaa sheegaya in ruuxa weerarka fuliyay uu kamid ahaa shaqaalaha isbitaalka, lagana yaabo in xanaaq dartiis uu weerarkan u fuliyay.
Weerarada ceynkan ah ayaa kusoo badnaya gudaha dalka Maraykanka, kuwaas oo ay fulinayaan dad ka xanaaqa tasarufaadka maamulayaasha shaqooyinka.