Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo ka tacziyeysay Geerida Sheekh Shariif Cabdi Nuur. (Bayaan)
Bayaankan oo ku qornaa Luuqadda Carabiga, wuxuu kaso baxay hogaanka ugu sareeya Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, waxaana umadda Islaamka ah looga tacziyeeyey geeridii dhawaan ku timid Al-Callaama Shariif Cabdi Nuur oo kamid ahaa culimada diinta Islaamka.
Bayaankan kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta, waxaa ka buuxa nusuus sharci ah, iyo Aqwaal culimo, kuwaas oo ku dhiiragelineya Muslimiinta samirka iyo adkeysiga marka ay musiibo la kulmaan, waxaana ciwaan looga dhigay “ geerida caalimka waa duleel aysan jirin cid dabooli karta”.
“ maalintii khamiistii 12-Shawaal sanadka 1438 hijriyada, waxay Umadda Islaamka kula kulantay oo ay ugu horeeyeen sahmiyayaasheeda baariyaasha ah ee Mujaahidiinta quluub ay ka buuxaan Murug iyo samir, warka ah geerida Imaamka, waalidka, Caalimka caamilka ah, iyo Zaahidka muxadithka ee tawaaduca badan ee ku jihaaday carabkiisa iyo cilmigiisa, ahanaa saabir muxtasib ah, sidaan u rajeyneyno, islamarkaana ahaa qof lagu daydo, una saaxiib ahaa dabeecadaha sareeya iyo adaabta waaweyn, kaas oo ah Al-Sheykh Al-Callaama Shariif Cabdi Nuur, Alle ha u naxriisto hana dejiyo janooyinka waasac ah, hana nagu kulmiyo boos wanaagsan oo ku yaala Allaah agtiisa”. Ayaa lagu bilaay bayaanka kasoo baxay hogaanka Sare ee Xarakat Al-Shabaabil Mujaahidiin.
Waxaa lasii raaciyay “ markaan u tacziyeyneyno nafteena iyo umadeena ma dhaheyno wax Alle raalli ka yahay mooye, Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Alle wuxuu leeyahay wuxuu qaato, iyo wuxuu dhiibo, qof welibana wuxuu leeyahay Ajal cayiman.
Mawaaqiif uu istaagay Sheekha oo taariikhda baal dahab ah ka galay ayaa bayaanka kasoo baxay hogaanka Mujaahidiinta Al-Shabaab lagu soo gudbiyay, oo ay kamid tahay in Sheekhu ka horyimid fawto ay jeediyeen qaaar kamid ah culimaa’u suuga, taas oo ay ku sheegeen iney banaantahay in gaalada la keeno Jaziiradda Carabta, wuxuuna xilligaas Sheekhu cadeeyay in arintaas ay tahay mid xaaraam ah, isagoona ku baaqay inaan wax fatwo ah laga weydiin qadiyaha umadda culimada kuwaas oo kale ah.
Wuxuu Sheekhu si aad ah u daneyn jiray xaaladaha Muslimiinta sida kuwa Filastiin, Ciraaq iyo Soomaaliya, mana ahayn mid ku dhex milmey dhawaaqiidda Carabta iyo Cajamta, sida lagu sheegay bayaankan cusub ee taczida ah.
Markii Maraykanku kusoo duuley Soomaaliya sagaashamaadkii, islamarkaana xarakadii Al-Itixaad ay qaadatay go’aanka ah iney kala dirto Mujaahidiinta ayna iibstay hubka, wuxuu Sheekh Shariif Cabdi Nuur ahaa razmiga sugnaanta, isagoona ku boorin jiray dhalinyarada iney sii wadaan Jihaadka ayna wajahaan Maraykanka, muxaadaraadkii waaweynaa ee xilligaas uu qabtay waxaa kamid ahaa muxaadaro ciwaan looga dhigay “ لَا مَرْحَبًا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُو النَّارِ”.
Ugu dambeyn wuxuu hogaanka sare ee Mujaahidiinta taczi gaar ah u diray qoyska Sheekha, iyagoona Alle uga baryay Sheekha inuu U naxriisto, janadiisa waasac ahna geliyo.
Halkan ka Akhriso Bayaanka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Alla ha u naxariisto sheekh shariif cabdi nuur ,waa iftiin ka bakhtiyey caalamul islaam guud ahaan gaar geeska Afrika ,ilaahay waxaanu baryeynaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo ,gaar ahaan qoyskii iyo
qaraabdii uu ka baxay .waxaa kale oo aanu ilaahay ka baryeynaa in ummadda muslimiinta ah guud ahaan
gaar ahaan somaalida uu siiyo badalkii sheekh shariif cabdi nuur , oo ahaa caalim rabbaani ah ,kaasi oo ku
toosan dariiqii xaqa ahaa .
Ummadda somalidu maanta waxay u baahan tahay sheekh shariif cabdi nuur ee ilaahayoo badalkiisii nasii.