Yahuud lagu dilay dhulka Filastiin ee gumeysiga ku jira.

Weerar kaligii duulnimo ah oo uu fuliyay wiil dhalinyaro muslim ah ayaa ka dhacay galbeedka magaalada Raamallaah ee dhulka Filastiin.

Weerarkan oo loo adeegsaday Mindi iyo sakiin waxaa fuliyay wiil 20 jir ah oo lagu magacaabo Cumar, kaas oo ka carooday tallaabada Yahuuddu ay ku xireen masjidka Al-Aqsaa.

Ugu yaraan 3 Ruux oo kamid ah Yahuudda xooga lagu degaameeyey dhulka muslimiinta ee Filastiin ayaa la dilay, iyadoona ay jiraan kuwa kale oo dhaawac ah, waxaana fuliyaha weerarka isagoo dhaawac ah gacanta ku dhigay ciidamada Yahuudda.

Ka hor inta aanu dhicin weerarka ayuu Cumar bartiisa Facebooka wuxuu kusoo qoray qoraal uu ku muujinayo rajadiisa kadib fulinta weerarka, wuxuuna sheegay in weerarkan uu ugu aargudayo muslimiinta Filastiin iyo masjidka Al-Aqsaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.