3 Askari oo katirsan ciidamada Burundi oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Ceelasha Biyaha.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenimadii caawa waxay weerar culus ku qaadeen saldhig Ciidamada Shisheeye ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee nawaaxiga magaalada Muqdisho.
Weerarka oo ahaa mid culus, islamarkaana ay Mujaahidiintu adeegsadeen garneellada Garbaha laga tuuro wuxuu socday in muda ah.
Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha waxay sheegeen iney maqlayeen jugta madaafiicda iyo Rasaasta ay is dhaafsanayeen ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Burundi oo ku sugan Arbacow oo ah duleedka Ceelasha Biyaha.
Ugu yaraan 3 Askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaalkaas, iyadoona ay suuragal tahay in khasaaraha uu intaas ka bato.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii dar dar geliyay howlgallada Jihaadiga ee ay ku beegsanayaan shisheeyaha kusoo duulay Soomaliya, waxaana la xusuustaa weerarkii Axaddii ka dhacay deegaanka Golweyn kaas oo lagu xasuuqay inkabadan 50 Askari oo Yugaandhees ah.