9-Neef oo Geel oo Ku Dhintay Duqeyn Ay Dayuuradaha Dagaalka Kenya Ka Geysteen Af-madow.

9-Neef oo Geel ah ayaa ku geeriyootay duqeymo ay dayuuradaha dagaalka Kenya maalintii shalay ka geysteen degaanka Weel-maarow oo hoos taga degmada Af-madow ee gobolka Jubada hoose.

Geelan ayaa waxay dayuuraduhu la beegsadeen madaafiic tiro badan, waxaana mid kamid ah dadka degaanka oo aanu xalay wareysanay uu inoo sheegay iney ku geeriyoodeen 8 Neef, 3 kalana ay ku dhaawacmeen, balse saaka oo aan dib ula xiriirnay degaanka ayaa waxaa la inoo xaqiijiyay in neef kale uu u dhintay dhaawaca, taasoo tirada ka dhigeysa 9 dhimasho ah.

Halkan Ka Dhageyso Mid Kamid Ah Dadka Degaanka Weel-maarow

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.