Al-Qaacida Oo ku baaqday in La weeraro Khadadka Tareenada Maraykanka iyo Yurub.(Dhagayso Warbixin)

Mu’asasada Al-Malaaxim, garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziirada carabta ayaa soo saartay cadadkii 17aad ee Majalada Inspire taas oo lagu soo bandhigayo xeelad cusub oo dhalinyarada kaligood duulayaasha ah u bidhaamineysa fursad ay ku weerari karaan tareenada Yurub iyo Mareykanka.

Inspire waxay cadadkan taageerayaasha Mujaahidiinta ee kaligood duulayaasha ah ugu sheegeysaa in ay dooran karaan mid ka mid ah saddex khiyaar oo lagu soo bandhigay cadadkan oo lagu beegsan karo tareenada Yurub iyo Mareykanka.

Waxay tilmaameysaa in tareenka si toos ah looga beegsan karo gudaha iyo banaanka. Ama la beegsan karo wadada uu ku socdaallo si jidka looga leexiyo ama weerar toos ah lagu qaadi karo  boosteejooyinka tareenada oo had iyo jeer ah kuwa mashquul badan oo ay tareenadu isaga kala gudbaan.

Cadadkan oo lagu soo saaray luuqadaha English-ka iyo Carabiga wuxuu si qoto dheer diiradda u saarayaa khiyaarka labaad oo ah in la beegsado wadada uu maro tareenka si wadada looga leexiyo, ka dibna uu shil u galo. waxayna akhristayaasha siineysaa towjiihaad iyo tusmooyin taako-taako ah oo lagu sameynayo qalab wadada looga saari karo tareenka.

Halkan ka dhagayso Warbixin ka hadleysa Cadadka Cusub ee Majalladda Inspire_17

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.