Aqoonyahan Ka Hadlay Bogaadintii Ay Itoobiya Usameysay Kaniisadda Hargeysa Laga Furay (Dhageysi)

 

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda itoobiya ayaa dhawaan waxa uu maamulka soomaaliland ugu hambalyeeyay tallaaabadii uu ku ogolaaday in magaalada Hargeysa Kaniisad laga furo asigoo maamulada kale ee Soomaalida ahna ugu baaqay in ay dariiqaas maraan.

Janaraal Gabre oo mudda dheer ku lug lahaa siyaasadda Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in waa cusub u iftiimay sida uu warka u dhegay Soomaalida kirishtaanka ah.

Aqoon yahan Maxamed Sheekh Axmed oo ay wareysatay idaacada islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegaya in warka Gabre aanuu ahayn mid cusub ee uu yahay kii awoowayaashii ku hadli jireen.

Wuxuu sheegayaa in sababta Soomaalida loogu soo duulay ee ciidanka Itoobiya iyo kuwa la mid ahu Somaaliya u joogaan tahay in la gaaleysiiyo. Wuxuu dadka Somaaliyeed kula taliyay in ay hurdada ka kacaan oo ay qaataan tilaabooyin muhiim ah.

Halkan Ka Degso Aqoonyahanka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.