Ciidamada Kenya oo Qarax lagula Eegtay magaalada Baardhaare.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardhaare ee gobolka Gedo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in magaaladaas uu Qarax culus maanta ka dhacay, kaas oo lagu weeraray ciidama gumeysiga Kenya.

Qaraxa oo ahaa noocyada dhulka lagu aaso ee miinada ayaa lala eegtay Ciidamo Kenyaati ah, waxaanu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka magaalada oo la hadlay Warbaahinta Al-Furqaan waxay xaqiijiyeen in ugu yaraan 4 Askari oo Kenyaati ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Qaraxan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwooda qarsoon ee ka howlgala magaalooyinka ay Shisheeyaha iyo maamul goboleedyada ka arimiyaan ayaa sii laba laabay weerarada kala duwan ee ay ku hayana Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.