Ciidamada Shisheeye oo Dad Shacab ah ku dilay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay gumadka bahalnimo ee ay ku hayaan Umadda Soomaaliyeed, xilli aysan jirin dad ka dhiidhinaya marka laga soo tago Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamo katirsan Shisheeyaha ku sugan magaalada Buula-Mareer ayaa duleedka magaaladaas waxay ku dileen Labo Ruux oo Xoola dhaqato ahaa, kuwaas oo Xoolahooda la joogay.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa si bareer ah oo aan ka gambasho lahayn waxay u dileen labadan nin ee Shacabka ah, markaas kadibna goobta ayay ka dhaqaaqeen.

Shisheeyaha Soomaaliya duulaanka ku jooga ayaanan kala jecleyn Shacab iyo Askari katirsan Al-Shabaab, waxaana labadooduba u arkaan Muslimiin Soomaaliyeed oo mudan in la laayo.

Dilka labadan Ruux wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ciidamada Maraykanka oo wata kuwa Soomaali ay duleedka Bariire ku dileen 10 Ruux oo beeraley ah, waxaana dowladda federaalka ay dadkaas ku tilmaamtay iney yihiin Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.