Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo Howlgallo kala duwan ka fuliyay Shabeellaha Hoose.
Dagaalyahanno katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraro culus waxay ku qaadeen Fariisimiyaal ay gobolka Shabeellaha hoose ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha.
Ciidamada Mujaahidiinta oo adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan ayaa weeraro socoday midkiiba inkabadan 30 daqiiqo waxay ku qaadeen difaacyada Shisheeyuhu ku leeyihiin degmooyinka Shalanbood iyo Lafoole oo dhamaantooda kawada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaallada waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aynaan helin tiro rasmi ah.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa deegaanka Yaaq-beriweyne ee gobolka Shabeellaha hoose waxay ka eryeen ciidamo katirsan dowladda, oo halkaas u yimid iney dhac ka geystaan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka, balse ciidamada dowladda ayaa markiiba cararay, waxaana Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen labo Qori oo AK ah.