Ciidamo Maraykan ah oo lagu laayay Afqaanistaan, xilli ay doonayeen iney Weerar soo qaadaan.

Dalka Afqaanistaan ee muslimka ah, wararka naga soo gaaraya waxay xaqiijinayaan in ciidamo Ameerikaan ah lagu xasuuqay dalkaas, kadib markii ay weerar fashilmey kusoo qaadeen mid kamid ah deegaannada ay Mujaahidiintu ka arrimiyaan.

Ciidamadan Ameerikaanka ah oo watay Helecopters ayaa saqdii dhexe ee habeen hore waxay soo weerareen deegaanka Tash-halgazi ee hoos yimaada degmada Sabiin Qur ee gobolka Nanjahaar.

Ciidamada Mujaahidiinta oo sida muuqatay ka war hayay qorshaha Ameerikaanka ayaa u diyaar garoobay fashilinta weerarka, waxaana ay isku fidiyeen dhulka howdka ah, iyagoona gawaarida lidka diyaaradaha iyo hubka sawaariikhda ku rakibay nawaaxiga deegaanka.

Markii ay diyaaradaha Helecopters-ku bilaabeen iney soo degaan ayay Mujaahidiintu la eegteen gantaallada garabka laga tuuro, markiibana waxaa halkaas kusoo dhacay mid kamid ah diyaaradaha, iyadoona si dhameystiran u burbrurtay.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxaa gebi ahaanba dhintay ciidamadii Ameerikaanka ee saarnaa diyaaradda ay Mujaahidiintu soo rideen, waxana sidaas ku fashilmey weerarkii ay damacsanaayeen, iyagoona isku bedeley ciidamo difaac ah.

Malleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo la socoday ayaa lagu soo waramayaa in 4 kamid ah ay halkaas ku dhinteen, kadib markii ay ku dheceen waadi deegaanka mara oo aysan ku baraarugin.

Ciidama Ameerikaan ah ayaa lasoo sheegayaa iney ku hareereysan yihiin halka ay ku dhacday diyaaradda, waxaana ay qarinayaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay soo ridista diyaaradda.

Tan iyo markii Donald Trump uu qabtay talada dalka Maraykanka waxaa kordhay weerarada xilliyada habeenkii ay ku soo qaadaan ciidamada Ameerikaanka dhulalka ay Mujaahidiintu ka maamulaan caalamka Islaamka, waxaana taas ay keentay in dhowr jeer ay ku dhacaan af libaax, waxaana aad loo xusuustaa weerarkii fashilmey ee bishii January ay ciidamada Maraykanka kusoo qaadeen deegaanka Yaklaa ee dalka Yaman, iyo kii Daaru-Salaam gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo lagu diley tiro katirsan ciidamo Ameerikaan ah halka kuwa kalena lagu dhaawacay.

 

You might also like
1 Comment
  1. Adam says

    Allaaaaaaaaaaaaahu akbarrrrrrr

Leave A Reply

Your email address will not be published.