Dadkii uu Maraykanku ku dilay Bariire oo Maalintii Sadexaad aan la Aasin.

Maalintii Sadexaad waxaaa Firinjiyeerada lagu ilaaliyo meydadka ku jira meydadka dadkii uu Maraykanku habeenkii Jimcaha ku laayay nawaaxiga magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 10 Ruux oo 2 kamid ay caruur yihiin.

Ehelka dadka la laayay ayaa ku doodaya inaysan meydadka dadkooda aasi doonin illaa laga cadeeyo sababaha rasmiga ah ee loo laayay dadkan maatida ah oo xilliga la gumaadayay ku sugnaa beer ay iyagu leeyihiin.

Dowladda Federaalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadashey arinkan, waxaana wasaaradaha warfaafinta iyo Gaashadnhiga ay sheegeen in dadka la laayay ay ka tirsanaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa oo ah cida rasmiga ah ee geysatay gumaadkan ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen iney baaritaanno sameyn doonaan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku tilmaamtay gumaadkii ka dhacay nawaaxiga Bariire inuu qeyb ka yahay xasuuqa joogtada ah ee Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ku hayaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana ahy ku baaqday in gacan bir ah lagala hortago Shisheeyaha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.