DEG-DEG: 20 Askari oo Maraykan ah Oo lagu dilay dalka Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in goordhow dalkaas lagu soo riday diyaarad ay leedahay dowladda Maraykanka, taas oo ay saarnaayeen tobanaan Askari oo katirsan ciidamada Maraykanka.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya dalkaas, waxaa ciidamo Ameerikaan ah ay isku dayeen iney weerar kusoo qaadaan deegaan lagu magacaabo Doosht-Bari oo hoos yimaada magaalada Bal-Calam ee xarunta gobolka Lowjar iyagoo adeegsanaya diyaaradah Hellecopterka.

Ciidamada Imaarada Islaamiga oo ka war hayay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Maraykanka ayaa weerar kamiin ah u galay kolonyo ciidamada Maraykanka katirsan, waxaana halkaas ka dhacay dagaal faraha looga gubtay, kaas oo markii dambe ciidamada Maraykanka ku qasbay iney dalbadaan gurmad ciidan.

Diyaarad Hellecopter ah oo siday 20 Askari oo Ameerikaan ah ayaa timid goobta dagaalka, waxaana markii ay degeysay ay Mujaahidiintu la heleen gantaal garabka laga tuuray, taas oo keentay in diyaaradda gebi ahaanba ay burburto ayna ku dhinteen 20-kii Askari ee saarnaa.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Dabiixullaahil Mujaahid oo war deg deg ah soo saaray ayaa xaqiijiyay in Mujaahidiinta Imaarada ay dilaan 20 Askari oo Ameerikaan ah ayna burburiyaan diyaarad Hellecopter ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa ku fashilmey weerarkii ay kusoo qaadeen deegaanka Doosht-bari ee lagu maamulo Shareecada Islaamka, waxaana haatan ay isku hareerayeen goobtii ay diyaaraddu kusoo dhacday, iyagoo diidan in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.

Waxaa suuragal ah in khasaaraha dhimashada uu ka badanyahay 20-ka Askari ee haatan macluumaadkooda la haayo, maadama ka hor inta aysan soo dhicin diyaaraddu ay dagaallo fool ka fool ah dhexmareen Mujaahidiinta imaarada Islaamiga ah iyo ciidamada Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.