DEG-DEG: Qarax ka dhacay inta u dhexeysa Kismaayo iyo Buula-guduud.
War deg deg ah oo kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga Alfurqaan wuxuu sheegayaa in Qarax culus goordhow lala beegsaday ciidamo katirsan PS-ta maamulka Jubbaland ee Ka dhisan magaalada Kismaayo.
Qaraxa oo ahaa mid culus waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Buula-Guduud iyo Kismaayo, waxaana lala eegtay Gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada maamulka Jubbaland.
Guud ahaan gaariga la qarxiyay waa uu burubray, waxaana lasoo sheegayaa iney jirto waxyeello soo gaartay ciidamada Gaariga saarnaa.
Wixii nagu soo kordho oo Faafaahin ah dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Inshaa’Allaah.