Dhagayso: Ciidamada Shisheeye oo isaga baxay Leego.(Falanqeyn+Waraysi)
Aroornimadii hore ee saaka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ayaa gebi ahaanba isaga cararay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo maalintii shalay ay ka wadeen Dhaq-dhaqaaq ciidan.
Dadka deegaanka oo Idaacadda Islaamiga ah Al-Furqaan la hadlay waxay inoo xaqiijiyeen in ciidamada Shisheeye ay afka saareen dhanka magaalada Muqdisho.
Ciidamada Shisheeyaha waxaa raacay ciidamada dowladda oo tan iyo shalay qal qal laga dareemayay, kana cabsanayay in magaalada looga tago.
Dadka muslimiinta ayaa laga dareemayaa farxad ballaaran iyagoona filaya in saacadaha soo socoda ay Mujaahidiintu soo gaaraan deegaanka.
Dhagyaso Falanqeyn iyo Waraysi aan la yeelanay dadka Deegaanka.