Dhageyso Culimo Ka Hadashay Kaniisadda Hargeysa Laga Dhisay Iyo Warka Wasiirka Awqaafta.
Sheekh Cabdul Ilaah iyo Cumar Xayaakallaah oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa ka hadlay Kaniisaddii dhawaan laga dhisay magaalada Hargeysa iyo wararkii is khilaafsan oo kasoo baxay wasiirka Awqaafta ee Somaliland.
Culimada ayaa waxa ay si sharci ah isku dul taageen su’aalo dhowr ah oo ay kamid yihiin: Kaniisad malaga dhisi karaa dhulka muslimiinta? gaalada hadda joogto ma yihiin Ahlul kitaab? maxay shareecadu ka qabtaa hadalkii wasiirka Awqaafta ee ahaa in sababta loo ogolaaday kaniisaddu tahay iyadoo laga baqayo iney bulshada la dhex galaan fasaadkooda iyo arrimo kale.