Dhageyso Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay Dilkii Ay Mareykanku U Geysteen Sh/Cali Jabal.
Diiradda Jimcaha waa barnaamij todobaadle ah oo lagu falanqeeyo mawaadiic muhiim ah oo taagan bulshaduna ka dooneyso iney macluumaad ka hesho, inagoo mowduuc walba ka qeyb galina dad ku haboon oo xog fiican ka haya ama aqoon u leh.
Todobaadkan waxaa barnaamijka lagu lafa guray dilkii ay bishii lasoo dhaafay Mareykanku u geysteen Sheekh Cali Maxamad Xuseyn (Sh Cali Jabal) waaligii wilaayada Banaadir. Nin ceenkee ayuu ahaa Sheekhu marka la eego shaqsiyadiisa iyo shaqadii uu hayay? Maxayse tahay ujeedada dhabta ah ee ay Mareykanku u dileen?
Barnaamijka waxaa marti ku ahaa culimo iyo indheer garad aqoon u leh Sheekha. Sidoo kale waxaa ka qeyb galay dad weyne u badan reer Muqdisho.
Inaa liaahi wa inaa ileehi raajicun ,ilaahay ha u naxariisto sheekha oo shahaadadiisna ha u aqbalo , umaddada muslimiinta waxaan ka tacsiyadaynayaa guud ahaan ,gaar ahaan qoyskiisa . naf waliba way dhimanaysaa waxaase muhiima,dariiqa ay ku dhimayso oo ah islaam ,sheekh cali wuxuu dhintay jidkii ilaahay ,galaada dishayna malyan cali jabal ayuu ka tagey,ee ku bushaaryta .