Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacay dalka Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in Naftii hure katirsan Imaarada Islaamiga uu Qarax ku beegsaday kolonyo katirsan ciidamada xukuumadda Kaabul oo marayya gobolka Helmand.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus si weynna looga maqlay xaafadaha ka dhow halka uu ka dhacay wuxuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamadii la weeraray.

Afhayeen u hadlay maamulka xukuumadda Afqaanistaan ee gobolka Helmand ayaa xaqiijiyay in Naftii hure katirsan Dhaalibaan uu isku qarxiyay kolonyo milliteri oo katirsan ciidamadooda kuwas oo marayay magaalada Naaw ee gobolka Helmand.

Sarkal katirsan bahda caafimaadka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu xaqiijiyay in Isbitaalkooda la keenay meydadka 15 Askari iyo dhaawaca 19 kale, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas kasii bato.

War kooban oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afghaanistaan loona qeybiyay Wariyaasha ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Weerarkan culus ayaa kudaba feylaya silsilado weeraro ah oo dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii Donald Trump madaxweynaha Maraykanka uu shaaca ka qaaday Istiraatiijiyadiisa cusub ee ku aadan duulaanka ciidamadiisu ku joogaan Afqaanistaan.

Imaarada Islaamiga ayaa xaqiijisay in bishii Dulqacda oo kaliya dalka Afqaanistaan lagu dilay 41 Askari oo Maraykan ah halka lagu dhaawacay 15 kale, waxaana muuqata in dhiiga baxa Maraykanka ee Afqaanistaan uu si xowli ah ku socodo.

Halkan Hoose Ka Akhri War ay so saartay Imaarada oo ay uga hadleyso howlgalladii ay fulisay bishii Dulqacda.

41 Askari oo Ameerikaan ah oo Bishii Dulqacda oo kaliya lagu dilay Afqaanistaan.(Inphografic)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.