Diyaarad Maraykanku leeyahay oo ku burbrutay Yaman iyo Askar la la’yahay.

War kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in diyaarad milliteri ay ku burburtay xeebaha dalka Yaman maalintii Jimcaha, ayna socodaan baaritaanno ballaaran.

Taliska ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in  diyaarad Hellecopter ah oo nooceedu ahaa Black Hook ay kusoo dhacday xeebaha dalka Yaman, xilli ay ku guda jirtay Tababar ciidan.

Ugu yaraan 5 Askari oo kamid ahaa ciidamadii Maraykanka ee saarnaa diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay sida uu sheegay taliska Ciidamada Maraykanka, waxaana illaa iyo hadda la la’yahay halka uu ku dambeeyo Askari lixaad oo kamid ahaa Askarta ay diyaaraddu la burburtay.

Sarkaal sare oo katirsan Maraykanka lana hadlay wakaaladda Reuters ayaa sheegay iney socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa keeney burburka diyaaradda.

Maraykanka ayaa dalka Yaman waxaa ka jooga ciidamo badan, waxaana dalkaas ay ka fuliyaan duqeymo iyo weeraro toos ah oo ay ku shahiideen hogaamiyaal katirsan Alqaacida, halka qaarkoodna lagu xasuuqay dad maati ah sida weerarkii bishii January ka dhacay deegaanka Yaklaa ee gobolka Qeyfa kaas oo ay ku dhinteen Tobaneeyo Ruux oo dumar iyo Caruur u badnaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.